U bood dhigaalka

Ciidamada Badda Galmudug Oo Howlgallo Ka Sameeyey Xeebaha Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamada Badda ee maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay howlgallo ka sameeyeen xeebaha gobolka Mudug, waxaana howlgalkani lagu beegsanayey doonyaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha gobolkaasi.

Saraakiisha ciidamadan hoggaamineysa ayaa u xaqiijiyey wariyaheena Cali Cayn oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, in howlgalka uu yimid kadib cabasho ay muujiyeen Kalluumeysatada Mudug.

Sidoo kale saraakiishan ayaa sheegay in dhowaan Maxkamad ay soo taagi doonaan rag la socdey Labo doonyo oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha Mudug.

Howlgallada maanta ay ciidamada badda ee Galmudug ka sameeyeen xeebaha Mudug weli lama sheegin doonyo ay kusoo qabteen, balse waxa ay raadinayeen cid walbo oo kusoo xadgudubta xeebaha gobolkaasi.

Doonyo laga leeyahay dalalka India, Yemen iyo Iran ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka Mudug, waxaana arrintaasi cabasho ka muujiyey Kalluumeysatada gobolkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News