U bood dhigaalka

Ciidamada Badda Puntland Oo Sameeyay Howlgal Uu Ku Dhintey Naaquude Iiraan Ah

Sheeko:Dalka

Howlgalkaan ay fuliyeen ciidamada Booliiska iyo kuwa badda ee Puntland ayaa waxaa ku dhintey naaquude waday doon ay ciidamada soo qabteen, waxaana saarnaa 18 shaqaale oo u dhashay dalka Iiraan.

Taliyaha dekadda magaalada Boosaaso Maxamed Cali Xaashi ayaa sheegay in doontaan ay soo qabteen ciidanka dekadda oo kaashanaya kuwa badda ee maamulka Puntland.

“Howlgalkaan aad u jeedaan waxa weeye sida caadiga ahaydba ciidamada badda howlgalladii ku ilaalin jireen xeebaha ayuu qeyb ka ahaa, illaa iyo Qandala ayeey socdeen, waxay ilaalinayeen xeebaha dambiyada ka dhaca sida hubka sharcidarada ah, Tahriibta iyo gaadiidka sharci darada ku kalluumeysta intaba, dhammaan dambiyada ka dhaca xeebaha, waxaa lasoo qabtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan oo ay kasoo qabteen Raas Xaafuun, waxay ku kalluumeysanaysay si sharcidarro ah, waxay waddaa 18 baxaari ah, waxaa dhacday in doontaasi markii la damcay in la joojiyo waxay isku dayday iney baxsato laakiin ciidankugacan ayeey  ku dhigeen, rasaas ciidanku ku riday waxaa ku dhintey ninkii naaquuda ahaa, nin baxri ahna dhaawac fudud ayaa kusoo gaaray”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ujeedadu waxay ahayd in ciidankaan ay dambiyada kasoo sifeeyaan xeebaha Puntland, meello badan ayeey soo mareen ciidamada, waxaana la ilaalinayaa oo kaliya in dambiyo ka dhacaan xeebaheena” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Puntland ayaa marar badan soo qabtay doonyo shisheeye oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha dalka.

Goobjoog News