U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Lagu Wareejiyay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa maanta lagu qabtay munaasabad dowladda Federaalka loogu wareejinayay ciidamada Booliiska maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo munaasabadaasi ay ka qeybgaleen saraakiil iyo taliyayaal ciidan.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobalada Mudug iyo Galgaduud Gaashaanle sare Maxamed Jimcaale Cosoble ayaa maanta la wareegay saldhigga Booliiska Cadaado iyo ciidamada ka howlgalayay.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan ay wareejinayaan yihiin booliiskii muddo halkaasi ka shaqeynayay, sidoo kalena ay jiraan ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo ka howlgala deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb.

Waxa uu gudoomiyaha ugu baaqay Taliyaha qeybta Booliiska Gobalada Mudug iyo Galgaduud in uu keeno xuquuqda ay leeyihiin ciidankaan, islamarkaana aysan dhicin in lagu xadgudbo.

Dhanka kale Xuseen Cumar Muumin oo ah taliyaha ciidamada Booliiska degmada Cadaado ayaa sheegay in ciidamadaan qalabkooda iyo tababarada wixii hadda ka dambeeya ay siin doonto dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Booliiska Gobalada Mudug iyo Galgaduud Gaashaanle sare Maxamed Jimcaale Cosoble oo halkaasi kula hadlay ciidankii iyo saraakiishii ku sugnaa ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan helista xuquuqda ciidankaasi, islamarkaana ciidamadaan ay noqon doonaan kuwo si siman xuquuqdooda u hela.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadaan uu diiwaan gelin doono, sidoo kalena loo keenayo  dareeskii ciidanka Booliiska.

Goobjoog News