U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Waxyaabo Maanka Dooriya Iyo Raggii Isticmaalayey

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho waxay kusoo qabteen waxyaabo maanka dooriye, rag iibinayey iyo kuwo isticmaalayey.

C/fitaax Cumar Xalane, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalkaan uu dhacay habeenkii xalay ahaa, islamarkaana looga gol lahaa sidii waxyaabahaasi maanka dooriye iyo cid walbo oo ku lug leh gacanta lagu soo dhigi lahaa.

Wuxuu sheegay afhayeenka in dadkaan hadda lagu hayo xarunta dambi baarista ee CID, islamarkaana baaritaan kadib cadaalad la horkeeni doono.

Sidoo kale afhayeenka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in ciidamada sidan oo kale ay u bartilmaameedsan doonaan cid walbo oo iibineysa ama cabeysa waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan waxay sidan oo kale usoo qabteen rag isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale kuwa iibiya.

Goobjoog News