U bood dhigaalka

Ciidamada Booliska Oo La Wareegaya Amniga Magaalada Marka

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Shabellaha hoose ayaa sheegay in ciidanka Booliiska ee la geeyey Marka ay la wareegayaan ammaanka guud ee Magaaladaasi.

Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa Goobjoog News u sheegay in sidoo kale ciidamada xoogga dalka ay sii xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska loogu talo galay in ay u sugaan amniga gudaha halka ciidamada Milatarigana uu sheegay in la geynayo banaanka Magaalada si ay u sii wadaan howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Alshabaab.

“Wixii ku saabsan amniga gudaha waxaa sugi doona ciidamada Booliska, Ciidamada Booliska waa u adeegaha Shacabka  waxaana loogu talo galay oo shaqadooda ay tahay sugidda amniga gudaha”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Mar uu ka hadlay xaaladda guud ee amniga Magaalada Marka waxaa uu yiri “Ammaanka Magaalada waa mid hadda la isku haleyn karo waana boqolkiiba boqol  waxa dhibaato ah Magaalada kama jiraan .

Adeegyada asaasiga ah ee Marka ayaa ah kuwa haatan si tartiib tartiib ah u soo noqonaya sida ganacsiga, waxbarashada iyo goobaha adeegyada bulshada.

“Adeegyada asaasiga ah ee degmada waa mid aad iyo aad u soo kabanaya, waxaan rajeyneynaa in dhammaan ay soo noqdaan adeegyada asaasiga ah sida Iskuulaadkii waxbarashada” sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha degmada marka Maxamed Ibraahim.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa la wareegay xaafado ka mid ah marko ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya kadib Markii ay Alshabaab iskaga baxeen, waxaana Magaalada ka barakacay dad badan oo Shacab ahaa kuwaasi oo ka baqdin qabay in dagaal uu ku dhexmaro Ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab.

Goobjoog News