U bood dhigaalka

Ciidamada Ciraaq Oo Adkeeyay Weerarka Ay Ku Hayaan Fallujah

Sheeko:Dalka

Ciidamada dalka Ciraaq ayaa sii adkeynaya weerarka ay ku hayaan magaladda Falluja oo in mudaa gacanta ugu jirtay kooxda Daacish.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyey in ciidamada Dowladda Ciraaq oo la sheegay in ay magaladda Meelo ka mid ah galeeyn ay iska caabin xoogan kala kulmayaan xoogagga Daacish gaar ahaan rag Ismiidaaminaya oo kusoo yaacaya jiidda hore ee dagaalka ,kuwaas oo khasaare soo gaarsiiyey ciidamadda Ciraaq iyo maleeshiyada Isgarabsanaya.

Dagaalka xooggiisa ayaa billawday saacadiihii hore ee shalay oo Isniin ahayd waxa uuna si xowli ah uga soconayaa dhowr jiho oo Istaraatiiji ah.

“Ciidamada Ciraaq waxa ay galeen magaladda Falluuja iyaga oo taageero dhanka cirka ah   ka helaya Isbaheysiga caalamiga ah, ciidamada Ciraaqna waxa ay wataan hub culus” sidaa waxaa yiri Jeneral  Abdelwahab al-Saadi, oo ah Taliyaha howlgalka Falluuja.

Saraakiisha dalka Ciraaq ayaa sheegaya in magalada ay la wareegaan in ay ku qaadan karto 48 saac, balse dadka wax falanqeeyaa waxa ay leeyihiin dagaalku intaa waxaa uu ka sii dheeraan karaa, maadaama Dagaal yahanada IS ay isku diyaarinyaan dagaal wadooyinka la isku eryado.

Sida ay sheegeen dad qubaro ah  400 illaa 1,000 dagaalyahan oo  qibrad dagaal leh ayaa magalada gudaheeda ku jira kuwaas  oo ay daacish si wanaagsan ay u taba bartay.

Fallujah  macno badan ayey  sameyneysaa dowladdu in ay gacanta ku dhigto maadama ay aad ugu dhowdahay Caasimadda Baqdad oo wax kayar 30 daqiiqo lagu tagi karo marka baabuur la isticmaallo.

Sida ay ku soo waramayaan weriyayaasha joogga Jiida hore ee dagaalka magaalladda  Falluuja ugu yaraan 10 ka tirsan ciidamada ciraaq iyo Maliishiyada Shiicada ah ee taagereysa ayaa geeriyooday tiro intaa kabadana waxa ay ku dhaawacmeen dagaalkii shalay lala galay kooxda Daacish.

Goobjoog News