U bood dhigaalka

Ciidamada Ciraaq Oo Magaalo Muhiim Ah Kala Wareegay Daacish

Sheeko:Dalka

Ciidamada dalka Ciraaq ayaa dib u qabsaday xarumo dowladdu horey ay u laheyd oo ku yaalla magalada Ramadi halkaas oo ay ku xooganaayeen ciidamada dowladda Islaamiga ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Ciraaq ayaa sheegay in gabi ahaanba ay gacanta ku hayaan xaruntii Dowladda ee Ramadi isaga oo tilmaamay in aysan u muuqan wax iska caabin ah oo ka ga imaanaya dhanka kooxda Daacish.

Dowladda Ciraaq ayaa todobaadyo isku dayeeysay in ay gacanta ku dhigto magaladda Ramadi iyada oo taageero ka heleysa  dalka Mareykanka.

Magaaladan oo ay sunniyiintu u badanyihiin waxa ay 90 km dhanka Galbeed kaga beegantahay magaladda Baghdad, waxa ayna gacanta u gashay kooxdan Bishii May, waxaana loo arkay ceeb weyn oo dowladda Ciraaq soo gaartay xilligaa.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada Ciraaq ayaa si taxadar leh ugu sii siqayey magaladaa iyaga oo iska jira miinooyin wadooyinka lagu aasay.

 Qabsahada xaruntaan muhiimka ah ee Ramadi ayaa loo arkaa in macnaheedu yahay in IS looga guuleystay magaladaa sida ay qabaan dadka arrimaha Ciraaq ka faallooda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq  Haider al-Abadi ayaa warbaahinta u sheegay  in ciidamada Ciraaq ay si dhaqsa ah u billaabi doonaan qabsashada magalada waqooyiga dalkaa ku taalla ee Mosul taas oo haddii ay ciidamadu ku guuleystaan u noqon doonta dowladda Ciraaq fursad dahabi ah.

Si dhab ah looma oga tirada ciidamada IS ee difaacayey magaalada Ramadi, waxaase la aaminsanyahay in ay ku dhawaayeen 400 oo dagaalyahan.

Dowladda ciraaq kama hadalin qasaaraha ciidamadeeda kasoo gaaray dagaalka ay madagaalada Ramaadi kula gashay dagaalyahanada Daacish.

Goobjoog News