U bood dhigaalka

Ciidamada Cirka Oo u Dabaaldegay Sanadguurada 58-aad Ee Aas-aaskooda

Sheeko:Dalka

Ciidamada cirka Soomaaliya ayaa maanta waxay u dabaaldegeen sanadguuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay.

Munaasabadda lagu xusayey maalintan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka cirka Soomaaliyeed Maxamuud Sheekh Cali oo munaasabaddan hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo u baahan qalab iyo sidoo kale tababaro dheeraad ah.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidamada cirka ay kaalin weyn ku lahaayeen difaaca dalka, gaar ahaan dhanka hawada.

Inkastoo ay ciidamada cirka Soomaaliya u dabaaldegeen 58-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaskooda, hadana ma haystaan qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen sida diyaaradaha.

Goobjoog News