U bood dhigaalka

Ciidamada Danab Oo La Wareegay Tuulooyin Hoostaga Sh/Dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidamada sida gaarka ah u tobabaran ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxay howlgallo ka sameeyeen gobolka Sh/dhexe halkaasi oo ay kula wareegeen tuulooyin hoostaga gobolka.

Tuulooyinka ay la wareegeen Ciidamada ayaa waxaa ay kala yihiin Buulo kuunto,Daniga Baalow ,Basro,Garasweyne iyaga oo kala wareegay dagaalyahannada Alshabaab.

Wararka ay Goobjoog News ka haleyso gobolka Sh/dhexe ayaa tilmaamaya in ay Howgallo qorsheysan qaaden Ciidamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab iyaga oo la wareegay deegaanno iyo Tuulooyin hoos yimaada Sh/dhexe.

Deegaannada ay la wareegeen Ciidamada ayaa la sheegay in AlShabaab ay ka soo weerari jireen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhex.

Goobjoog News