U bood dhigaalka

Ciidamada DF Oo Kaabiga Ku Haya Degmada Jamaame Ee Gobalka Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno deegaanada gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda federaalka ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana la soo warinayaa in ay la wareegeen ciidankaasi deegaanada kala ah Kaban iyo Bangaani ee gobalkaasi, iyaga oo kaabiga ku haya degmada Jamaame.

Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda waxa ay sheegeen in Al shabaab ay isga baxeen degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay haatan u jiraan hal Kiilo mitir.

Maxamed Badal oo howlgalkan hogaaminaya ayaa sidoo kale sheegay in deegaanadii ay ka qabsadeen Al shabaab ay ku soo sameeyeen xaqiijin amni waxa uuna xusay in miinooyin nuuca dhulka lagu aaso ah ay ka soo saareen deegaanadii ay soo mareen.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya iyada oo dagaalamayaasha Al shabaab ay ku xoogganyihiin gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News