U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay Ka Sameeyay Wadada Xiriirisa Balcad Iyo Jowhar

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Balcad ee ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka dowladda ka sameeyeen wadada isku xirta degmadaasi iyo Jowhar ku qabteen in ka badan 20 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee maamulkaasi Abukar Aadan Codey ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidanka xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen raggan iyaga oo hubeysan, loona soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Hishabelle iyaga oo gacan ka helayay AMISOM waxaa uu intaasi raaciyay in howlgalka laga sii wadi doono wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar inta uu amnigeeda uu nadiif ka noqonayo.

“ Ciidamada waxaa ay sameeyeen howlgal weyn oo lagu xaqiijinayo wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar Meel walba waxaa jooga Ciidamada, howlgalkan waxaa lagu soo qabtay 20 qof oo ka tirsan Alshabaab waxaana loo gudbiyay Magaalada Muqdisho”.

Wadada u dhaxeysa Balacad iyo Jowhar ayaa ah amnigeeda mid aad xumaa bilihii la soo dhaafay waxaa ayna Alshabaab wadada ugashaa gaadiidka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hieshabelle.

Goobjoog News