U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo Howlgal Ka Sameeyay B/weyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis, Xoogga Dalka iyo Nabad-sugid  ayaa maanta waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah waxay ciidamadu uga sameeyeen xaafadda Kooshin ee magaalada B/weyne iyadoo lagu soo qabtey boqolaal qof oo shacab ah, una badan dhallinyaro.

Wariyeyaasha Goobjoog News, ayaa waxay soo sheegayaan in dadka la soo qabtay la geeyay xarumaha dambi baarista ee magaaladaasi, iyadoo dadka qaar la sii daayey, kadib markii wax dambi ah lagu waayey baaritaanka Koowaad.

Dhanka kale, waxaa maanta dib xorriyadooda loo siiyey in ka badan 30 qof oo shalay ciidamada dowladdu ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen B/weyne, kadib baaritaanno lagu sameeyey, wax dambi ahna lagu waayay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay howlgallo ballaaran ka wadeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada