U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo Howlgallo Ka Wada Xaafadaha Baar Sanguuni Ee J/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran waxay ka wadaan deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo ay muddo 7-sano ah maamulayeen Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa guri guri u galaya xaafadaha u deegaankan ka kooban yahay, waxaana sidoo kale ay soo qabteen Miinooyin Al-shabaab dhulka ku aaseen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa sheegay in sidoo kale ay ciidamada howlgalkaan ka wadaan deegaannada ku dhow Baar Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwo Maraykan ah ayaa waxay howlgallo ballaaran ka wadaan gobolka Jubada Hoose, waxaana ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News