U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo Howlgallo Kawada Magaalada Marka

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Marka ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo dhanka kalena Magaaladaasi ay ka barakaceen qoysas badan.

Maxamed Cismaan Yariisow oo ah guddoomiyahii hore ee Marka ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgallada ay ciidanku wadaan yihiin kuwo ammaanka lagu soo celinayo.

Maxamed waxaa uu tilmaamay in Saacadihii la soo dhaafay ay daganeed xaaladda Magaalada iyada oo aan jirin wax dhib ah oo ka dhacay, waxaa uu intaas ku daray in howlgallada ay sameynayaan ciidamada dadka lagu soo qabqabto in iyaga loo keeno kadibna ay kala saaraan.

“dadka ay ciidamadu soo qabtaan annaga ayey noo keenaan waana kala naqaanaa kii Shabaab ah iyo kii aan aheyn, balse markii hore waxaa jirtay caqabad ciidamadii hore malaheen tobabarka ay leeyihiin kuwaan ciidamadii hore waxaa ay ahaayeen kuwo Isbaaro dhigan jiray oo Shacabka dhibi jiray balse ciidamadaan waa kuwo nadiif ah”.

Xaaladda Magaalada Marka ayaa maalmihii dambe waxaa ay aheyd mid aan deganeyn kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab uu ku dhexmaray dagaal taasi oo keentay in dad badan ay ka barakacaan.

In ka badan 50 qoys ayaa lagu soo waramayaa iney ka barakaceen qaar ka mid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in dadkan ay badi usoo barakaceen dhanka magaalada Muqdisho, waxaana ay ka baqayaan in dhibaato ay kasoo gaarto dagaallo ka dhacay magaaladaasi.

Goobjoog News