U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose oo ay maamulayeen Al-shabaab.

Ciidamadan oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaasi kadib markii halkaasi isaga baxeen Al-shabaab.

Deegaannada ay Ciidamada dowladda ay la wareegeen waxaa ka mid ah Beerta Aadan Seeraar Tuulada Baqdaad iyo Koontaroolka kala beyr oo markii ay hore ay Maamuli jireen dagaalyahanno ka tirsanaa Alshabaab.

Ciidamada la wareegay deegannadan ayaa waxaa ay ka mid yihiin ciidamada Milatariga ee dowladda Soomaaliya waxaa ayna ka ambabaxeen saakay degmada Afgooye oo ay ku sugnaayee.

Alshabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen deegaannadan ka tirsan Shabellaha hoose kadib markii ay maqleen in ay ku soo wajahanyihiin ciidamada dowladda.

Todobaadyadii dambe ayaa ciidamada dowladda waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadeen Shabellaha hoose kuwaasi oo ay ku doonayaan in gacanta ku soo dhigaan deegaannada ka maqan gacantooda oo ay maamulaan dagaalyahanadda Alshabaab.

Goobjoog News