U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo La Wareegay Xaafado Ka Tirsan Marko

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay xaafado ka tirsan Magaalada Marka oo ay maamuli jireen dagaalyahannada Al-shabaab.

Ciidamadan oo ka ruqaansaday deegaanka Shalanbood ee Sh/hoose ayaa maanta tagay Marka, iyaga oo howlgallo sameeyey.

Maxamed Cismaan Yariisow oo ah Guddoomiyihii hore ee Marka ayaa Goobjoog News u sheegay in Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay maanta la wareegeen Xaafado ka mid ah Marko oo ay horay u Maamuli jireen dagaalyahannada Alshabaab.

Waxaa uu tilmaamay Maxamed Yariisow in Ciidamada ay si nabd ah kula wareegeen Xaafadaha ka dib Markii Alshaaba ay iskaga baxeen waxaa uu intaas ku adaray in hadda Xaaladda Magaalada ay degantahay islamarkaasna aysan jrin wax dhib ah.

“Markii hore Magaalada kala bar ayaan ka joognay balse hadda iyad oo dhan ayaan la wareegnay Ciidmada dowladda ayaa la wareegay xaafadaha kadib markii laga saaray Alshabaab hadda wax dhibaato ah ma jiraan wax iska horumaad ah oo ka dhacayna Majiran Magaalada gudaheeda”.

Ciidamada Maanta la wareegay xaafadaha Marko ayaa ah Ciidamo cusub oo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay halkaasi u dirtay waxaa ayna Ciidamadaan ka tirsanyihiin sida la sheegay qeybta 21 October ee ka tirsan xooggada dal