U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo lawareegay Deegaan Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab kala wareegay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabellaha hoose.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Al-shabaab ay isaga baxeen deegaankaasi kahor inta aanay ciidanka xoogga dalka halkaasi gaarin.

wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada ay ka sii ruqaansadeen deegaanka iyaga oo isku fidiyay deegaannada kale ee hoos yimaada Dhanaane.

Deegaanka Dhanaane ee gobolka Sh/hoose ayaa horay waxaa u maamuli jiray dagaayahannada Alshabaab waxaana si nabad ah ula wareegay Maanta ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya kadib markii Alshabaab ay si iskood ah isaga baxeen.

La wareegista Dhanaane ayaa imaaneysa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ay ka wadeen deegaanno ka tirsan Sh/hoose halkaasi oo ay kula wareegeen deegaanno ay horay u maamuli jireen Alshabaab.

Goobjoog News