U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo Xirey Qeyb Ka Mid Ah Wadada Makka Al-mukarrama

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa saakay waxay xireen qeyb ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan wadada isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo KM-5 (Zoobe) ee magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta ka dambeysa in wadadan la xiro, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa gaadiidka u sheegaya iney dib isaga laabtaan.

Shacabka isticmaalayey wadadan ee u badan shaqaalaha iyo ardayda ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya.

Xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa kuwo laga nastay, wallow weli magaalada uu ka jiro ciriir badan.

Goobjoog News