U bood dhigaalka

Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay In Dad Shacab Ay Dileen

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Boolis ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Gabriile oo ismaamulkaasi ka tirsan.

Mid ka mid ah waxgarad ka barakacay deegaanka la sheegay in shacabkaasi lagu dilay ayaa Goobjoog News waxa uu u sheegay in la dilay Afar qof oo Shacab ah, ka  dib markii deegaankaasi ay soo weerareen 500 oo ciidamada Liyuu Boolis ah.

Waxa uu sheegay in dadka shacabka ah lagu amrayo inay ka guuraan deegaanadaasi, islaamrkaana aysan garaneyn dadku meel ay degaan.

Dowladda Itoobiya ayuu ugu baaqay in ay soo fara geliso arrinkaasi, islamarkaana ay wax ka qabtaan ciidamada Liyuu Boolis.

“Adeer dadka waxa loo laynayo waa dhulkaan malihdiin, Afar qof ayaa la laayay, Kililka Shanaad xal kama soo socdo, hadii dowladda Itoobiya aanay arrintaasi wax ka qaban” ayuu yiri Nabadoonka.

Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu eedeeyaa in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, xilli dhowr jeer ay la dagaallameen dad reer Miyi ah.

Goobjoog News