U bood dhigaalka

Ciidamada dowlada iyo Amisom oo howl-gallo ka sameeyey casimadda

Sheeko:War

Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo kaashanaaya Amisom, ayaa waxay xalay howl-gal ballaaran ka sameeyeen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Sidoo kale hawlgalka wuxuu sameeyay halka ay iska gallaan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley.

Ciidamada ayaa waxay hawlgalka xoogiisa ka kala sameeyeen agagaarka Nasteexo, Suuqa weyn ee Wadajir, Xeendaabka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ilaa Aargada Degmada Wadajir, ee xigta dhinaca Dharkiinley. Waxaana la arkaayay Booliska oo baabuur kaga qaadaaya rag badan goobaha hawlgalada laga sameeyay, waxayna u qaadeen dhinaca Xarumaha Nabad Suggida iyo CID-da.

Ciidanku waxey howl-galka ku dileen nin, kaasoo la soo sheegay inuu damcay in uu ka baxsado Ciidamada, waxayna taasi keentay inay toogasho ku dilaan.

Xoogagga ayaa gudaha u galaayay guryo gaar ah, waxaana leesla dhex marayaa in guryaha la galay, ay ahaayeen kuwo la soo farmuuqay, lagana soo qab qabtay rag la tuhunsan yahay iney Alshabaab katirsan yihiin, sida ay sheegeen dad deeganka oo diiday in magacooda la xuso.

Saraakiisha Dowladda, ayaan weli ka hadlin hawlgalka lagu soo qab qabtay ragga lala xiriirinaayo Shabaabka. Wuxuuna hawlgalku ku soo aadayaa, iyadoo Arbacadii isbedel lagu sameeyay Taliye-yaasha Booliska iyo Nabad Suggida.

Wararka goobjoog