U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda, AMISOM Iyo Kuwo Maraykan Ah Oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyey J/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay shalay gelinkii dambe ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran islamarkaana kaashanayay AMISOM iyo kuwo Maraykan ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Gaduud ee gobolka Jubada Hoose.

Deegaankaan oo ku dhow magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in lagu weeraray dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena wararka ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa la xaqiijiyey in howlgalkaan oo qorsheysnaa ay si gaar ah uga qeybqaadanayeen diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca loona yaqaano Helicopter.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, balse faah faahin intaa ka badan kama aanay bixin.

Dhanka Xarakada Al-shabaab kama aysan hadal weerarkaasi, khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan dambe wadday weeraro ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe waxa uu dhawaan sheegay inay billaabi doonaan howlgalka Jubba oo ay kula dagaallamayaan Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News