U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Ah oo Ahlu-sunna Ka Qabsaday Guriceel iyo Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya dowlad goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliaya ayaa sheegaya in saaka ay ka jirto xaalad colaad kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ay la wareegeen gacan ku heynta Guriceel iyo Dhuusamareeb.

“Ciidamo isugu jira xoogga dalka qeybta 21-aad, kuwoo gaar ah oo Danab ah iyo NISA ayaa saaka la wareegay Guriceel, waxaana hadda dadka la hadlaya taliyeyaasha”, ayuu sheegay weriyaha Goobjoog News ee maamulkaasi.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in kooxda Ahlu-sunna ay isaga baxday Guriceel haatanna ay joogaan duuleedka magaalada.

Dhinaca kale, magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb, ciidamo ka socda dowladda federaalka ah ayaa iyaguna la wareegay saldhigga magaalada halkaasi oo ay horay u heysteen Ahlu-sunna.

Wadaadada ayaa isugu uruuray ciidan iyo madaxba deegaanka Inji ee gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxaa ay wadaan shirar iyo wadatashi ku aadan talaabada xigta.

Afhayeenka Ahlu-sunna oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Sabriye uu qasay xaaladda, isla markaana uu rabo inuu buriyo dhammaan heshiisyadii la galay iyaga oo sheegay iney ka rajo qabaan inuu howsha galo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Goobjoog News