U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan ku dhaw degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ciidamada dowladda ayaa qaaday weerarka dagaalkaasi, waxaana la sheegay in ay weerareen deegaanka Aboorey oo qiyaastii 47-KM dhanka bari kaga beegan degmada Buuloburde.

Kabtan Cismaan Cabdi Muumin oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Goobjoog News, in weerarkaasi ay ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Waxa uu tilmaamay Kabtanka in ay dileen Laba ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena uu jiro dhaawac soo gaaray, waxaana dhanka kale uu qiray in dhankooda waxyeelo soo gaartay balse faah faahin kale kama aanu sii bixin khasaaraha dhankooda.

Ciidamada dowladda ayuu sheegay Kabtan Cismaan in ay kusii socdaan deegaanno badan oo ku dhaw degmada Buuloburde islamarkaana ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aysan soo raasin dagaalkaasi, hase ahaatee waxaa degan xaaladda deegaankii lagu dagaallamay, inkastoo dhaq dhaqaaq ciidan ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News