U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Federaalka Iyo Kuwa AMSIOM Oo Howlgal Dad Lagu Soo Qabqabtay Ka Sameeyay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay degmada Maxaas iyo deegaano hoostaga degmadaasi.

Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Maxaas Maxamed Muumin Saney ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana ay soo qabteen Afar Ruux oo uu sheegay in looga shakisan yahay ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab.

Waxa uu taliyaha sheegay sidoo kale in deegaan 90-km degmada Maxaas u jira ay kasoo qabteen xoolo uu sheegay in laga dhacay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Bariga Maxaas, islaamrkaana uu ku riixay xoolahaasi in ay dhaceen Al-shabaab.

“Uljeedka howlgalka waxa uu ahaa si amaanka loo xaqiijiyo, Al-shabaabna laga saaro meelaha yar yar ee ay ku hareen, waa howlgal la dhihi karo ciidanka wey ku guuleysteen, dadkii shacabka ahaa xoolihii laga dhacay ayaa Shabaabka laga soo qabtay, Afar nin ayaan sidoo kale haynaa oo baaritaan ayaa ku socda, hadii ay Al-shabaab yihiin ama ay shacab yihiin intaba” ayuu yiri Taliyaha

Dhinaca kale Taliye Muumin ayaa ku hanjabay in dhawaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegi doonaan deegaano ka mid ah gobalka Hiiraan oo hadda Al-shabaab maamulaan.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka wadeen deegaano badan oo ku yaalla Bariga gobalka Hiiraan.

Goobjoog News