U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Maanta Dib Ula Wareegay Degmada Guriceel Ee Gobalka Gal-gaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda ee DhuusamareebCiidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si nabad galyo ah kula wareegay degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo dhawaan dagaal ay ku qabsadeen ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa la sheegay in ay iyagu halkaasi isaga baxeen, waxaana ay kala adeen Laba jiho oo kala ah, Xeraale iyo sidoo kale deegaanka Geri-jire oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan degmada Guriceel.

Xaaladda guud ee degmadaasi aad ayeey u degan tahay, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaaliya oo uuu ka mid yahay gudoomiyaha gobalka Gal-gaduud ee dowladda.

Dagaalo culus ayaa dhawaan ka dhacay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana dagaaladaasi ay sababeen qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Xiriir aynu la sameenay maamulka dowladda Federaalka ee gobalka Gal-gaduud ayaa ilaa iyo iminka inoo suurta gelin, iyadoo dadka deegaanka ay hadda sheegayaan in xaaladda ay wanaagsan tahay.

Goobjoog News