U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Maanta Ku Dagaallamay Deegaanka Bariire Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen deegaankaasi, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dagaalkaasi ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal oo madaafiic ku dhuftay xarumo ay deegaankaasi ku lahaayeen Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan lama xaqiijin illaa iyo haatan, hase ahaatee waxaa la sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay saacado ku sugnaayeen degmadaasi oo ay Al-shabaab ka qabsadeen.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegnaanka Bariire ayaa u sheegay Goobjoog News in saacado ay ciidanka dowladda joogeen kadib ay halkaasi isaga soo baxeen.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Shabellaha Hoose iyo maamulka gobolkaasi kama aanay hadalk dagaalkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News