U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Duleedka Xudur

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii Xalay iyo shalay ka dhacay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, kaasi oo khasaare geystay.

Ciidanka Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay lahaayeen weerarka dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda, waxaana ay duulaan kusoo qaadeen fariisin ciidankaasi ku lahaayeen duleedka degmada Xudur.

Ugu Yaraan Hal qof ayaa dagaalkan ku dhintay iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Maamulka degmada Xudur ayaa dagaalkan guul ka sheegtay, waxaana ay tilmaameen in khasaare ay soo gaarsiiyeen ciidankii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Gudoomiye ku xiogeenka maamulka degmadaasi Cabdulle Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhowr dagaalyahanno ay ka dileen Al-shabaab, balse tiro rasmi ah ma aanu sheegin.

Xaaladda guud ee halkii lagu dagaallamay saakay oo Isniin ah waa mid deggan, inkastoo shacabka ku dhaqan halkaasi ay walwal ka qabaan dagaallada soo laab laabtay.

Goobjoog News