U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Deegaanka Jawiil Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal-hDagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa maanta gelinkii hore ka dhacay degaanka Jawiil ee Gobalka Hiiraan, halkaasi oo qasaare uu ka dhashay.

Dagaalkaan ayaa bilawday ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen xero ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaankaasi.

Taliyaha Saldhiga magaalada Baladweyne Cali Dhuux Mahad Alle oo u waramay Goobjoog, waxa uu sheegay in ay dhankooda guulo ka gaareen dagaalkaasi, islamarkaana Al-shabaab ay qasaare soo gaarsiiyeen.

Laba qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in halkaasi ay ku dhinteen, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, waxaana halkaasi sidoo kale ku gubtay gaari ay leeyihiin ciidamada dowladda sida taliyaha uu sheegay.

Xaaladda guud waa mid degan,waxaana ciidamada dowladda ay hadda dhaq dhaqaaq ka wadaan deegaanka Jawiil, Al-shabaabna weli wax war ah dagaalkaasi kama aanay soo saarin.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News