U bood dhigaalka

Faah-Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Baay

Sheeko:Dalka

Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa K/galbed iyo Al-shabaab oo dhinac ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Baay.

Wararka waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ay qaadeen weerarka dagaalkan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday, kaas oo soo garay illaa habeenkii xalay ahaa.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey dad gaaraya 5 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Illaa saakay waxaa magaalada Baydhabo la keenayaa askar kusoo dhaawacantay dagaalkaasi.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka ay go’aansatay iney dagaal kama dambeys ah la gasho Al-shabaab.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada