U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Bakool

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan qiyaastii 25-km u jira degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar kusoo qaadeen fariisin ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda, waxaana la isku adeegsaday hub culus.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoo weli lasoo sheegayo in halkaasi laga maqlayo rasaas goos goos ah oo Labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Bakool xiriir aynu la sameynay waa ay ka gaabsadeen in ay ka warbixiyaan dagaalkaan ka dhacay gobolkaasi.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale weeraro ugu qaada fariisimada ay ciidamada dowladda Federaalka ku leeyihiin qaar kamid ah gobollada dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News