U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Deegaanka Lambar 50 Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degaanka Lambar Konton ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid deggan kadib markii weerar qaatay dhowr saacad ay ku qaadeen dagaalyahannada hubeysan ee Al-shabaab.

Wararka aynu ka heleyno Lambar Konton ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday xarumo ciidan oo degaankaasi ku yaalla

Guddoomiye xigeenka degaankaasi Cali Nuur Axmed ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalka qaatay dhowr saacad dhankooda ay kaga dhinteen Shan askari balse ma uusan xaqiijin tirada dhaawacantay.

“Al-shabaab ayaa xalay nasoo weeraray waxaana ay weerar ku soo qaadeen dhowr fariisimo oo ciidamada ay ku leeyihiin gudaha iyo dibadda Lambar Konton” ayuu yiri guddoomiye xigeenka Lambar Konton.

Dhanka kale, guddoomiye xigeenka ayaa sheegay inay jiraan dad shacab ah oo iyana wax ku noqday weerarkaasi.

Xaaladda ayaa deggan maanta degaanka Lambar Konton ee gobalka Shabeellaha Hoose halkaas oo si wadajir ah ay ugu sugan yihiin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News