U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Mahadaay. Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah  ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Wararku waxay sheegayaan in abaare 11-kii fiidnimo ee xalay ay Al-shabaab weerar ku qaadeen degmadaasi, waxaana ka dhacay dagaal culus oo daqiiqado badan socday.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 1 qof, iyadoo dhaawaca uu gaarayo 5 sida dadka deegaanka inoo sheegeen.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay saacado gacanta ku hayeen degmadaasi, iyadoo khasaaraha ka dhashay dagaalkan uu intaasi ka badan karo.

Dadka deegaanka ayaa walwal ka muujiyey dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahadaay, iyadoo weli maamulka iyo saraakiisha dowladda ee degmadaasi aaney wax faah faahin ah ka bixin dagaalladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News