U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga degmada Jowhar oo xarun u ah gobolkaasi.

Dagaalkaan ayaa socday saacado dhowr ah inkastoo aan lahayn khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay Al-shabaab kala wareegeen meelihii lagu dagaallamay.

Ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo dagaalladan kasoo baxay, iyadoo weli wax war ah aanay dagaalladaasi kasoo saarin dhinacyadii diriray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News