U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay iney jidka u galeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Inta la xaqiijiyey 2 qof ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo dhaawac kasoo gaaray dagaalkan ayaa la xaqiijiyey in la gaarsiiyey isbitaalka degmada Jowhar.

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe iyo sharaakiisha ciidamada dowladda ee gobolkaasi weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalkan dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News