U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay deegaanka Laanta Buur ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa saq dhexe xalay waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana dagaalkan uu soo gaaray illaa saakay waabarigii.

Ugu yaraan Labo qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa dagaalkaasi ku geeriyootey iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaankaasi, sidoo kalena ay qafaasheen dhowr qof oo u badan odoyaal dhaqameed, iyadoo aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Xaaladda deegaanka Laanta Buuro ee Shabellaha Hoose saakay waa ay deggan tahay, balse dagaalladan kama aanay hadal dhinacyadii dagaallamay.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay weeraro ugu qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobollada dalka.

Goobjoog News