U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Maanta Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof oo dhinacyadii dagaallamay ah,  iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in Labada dhinac ay ku dhowaad saacad ku dagaallamayeen deegaanno ku dhow degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe.

Dhinayacdii dagaallamay weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan, xaaladana haatan waa mid ka yara deggan sidii hore.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale jidka ugu galay ciidamada dowladda, waxaana weeraro badan ay ka dhaceen inta u dhaxeya Jowhar iyo Balcad oo Sh/dhexe ka wada tirsan.

Goobjoog News