U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Mid Ah Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 28-km dhanka koonfur kaga beegan degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM, gaar ahaan ciidanka Jabuuti.

Abaanduulaha guutada 10-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya Kabtan Cismaan Cabdi Muumin ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay la wareegeen deegaankaasi Xilli saq dhexe ah islamarkaana weerarka ay iyagu kahaayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Kabtanka halkaasi uu ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday, inkastoo aan lasoo sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.

Kabtanka ayaa tilmaamay in gacanta ay ku hayaan Seddax qof oo looga shakisan yahay in Al-shabaab ay ka mid yihiin, laakiinse Al-shabaab dhankooda kama aysan hadal waxa ka jira in deegaankaasi laga qabsaday.

Xaaladda guud ee deegaanka Buurweyn waa mid degan, waxaana socda dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News