U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay Xarakada Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ka tirsan gobalkaasi.

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay ku dhaqaaqeen deegaanno ku dhaw deegaanka Raage-celle oo gobalka Shabellaha Dhexe ah, waxaana deegaannada ay la wareegeen ka mid ah deegaanka Qoordheere oo muddo ka arrimineysay Xarakada Al-shabaab.

Mas’uul ka tirsan maamulka gobalka Shabellaha Dhexe oo ka gaabsaday baahinta magaciisa ayaa sheegay in iska horimaad aan badneyn ay kala kulmeen Al-shabaab, hase ahaatee aanu jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Deegaanka Qoordheere ayaa la xaqiijiyay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameysteen fariisin, iyadoo xaaladduna ay tahay mid aad u deggan.

Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin deegaannadaan ay kala wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, hase ahaatee maamulka gobolka Shabellaha dhexe ayaa dhowaan sheegay in ay gacantooda kusoo celin doonaan dhammaan deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Goobjoog News