U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe kuwaasi oo ay maamuli jireen Xarakada Al-shabaab.

Gaashaanle Saney Cabdulle Nuur oo la hadlay Goobjoog news ayaa sheegay in ciidankooda ay la wareeg ku dhawaad Shan deegaan oo ku dhaw degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe.

Deegaannada uu sheegay inay qabsadeen ayaa waxaa ka mid ah Miirtuuge, Cali Fooldheere, Caadley iyo Ceelbaraf, kuwaa oo ku dhaw degmada Mahaday.

“Cadowga ayaan weerar ku qaadnay waxaan qabsannay tuulooyin badan, kuwo kalena ciidanku wey ku socdaan, waxaan rabnaa in dhammaan gobolka Shabellaha Dhexe aan ka xureyno Al-shabaab, waxaana howlgalka nagu wehlinaya ciidamadamada AMISOM” ayuu yiri Gaashaanle Saney.

Dhinaca kale Saney ayaa sheegay in ay iskahorimaad ay kala kulmeen Al-shabaab, hase ahaatee ma aanu sheegin khasaare soo gaaray.

Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin deegaannadaan la sheegay in laga qabsaday.

Goobjoog News