U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Al-shabaab Kala Wareegay Degaanno Ka Tirsan Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay howlgal ballaaran ka sameeyeen deegaanno badan oo degmadaasi ku dhaw.

Ciidamadaan ayaa dagaal la galay ciidamada Xarakada Al-shabaab, iyaga oo la sheegay in ay halkaasi uga gudbeen deegaano kale oo gobalka Hiiraan ka tirsan.

Ciidamada is garabsanaya ayaa Xarakada Al-shabaab waxa ay kala wareegeen deegaanno badan oo oo ay ka mid yihiin, Wabxo, Beer-god, Ceel-god iyo deegaanka War-xoolo.

Xasan Xaaji Xuseen Suuleey oo ah taliyaha Booliiska degmada Maxaas, kana mid ah saraakiisha dowladda ee ciidankaasi hogaaminaysa ayaa Goobjoog News u sheegay in howlaglkaan uu yahay mid ay ku xaqiijinayaan ammaanka guud ee gobalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanno badan oo Al-shabaab ku sugnaayeen, islamarkaana ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo Al-shabaab kaga sugan yihiin gobalkaasi.

Dhanka Al-shabaab kama aysan hadal dagaalladaasi iyo sidoo kale deegaanadaan la sheegay in lagala wareegay, hase ahaatee ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe waday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News