U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dib u Qabsaday Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay halkaasi kula dagaallameen Al-shabaab, iyaga oo ugu dambeyn gudaha u galay magaalada Marka.

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Marka ayaa la sheegay inay ku dhaceen Hobiyeyaal aan weli la xaqiijin cidda soo riday, kuwaasi oo khasaare geystay.

Weli lama shaacin khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkii maanta ee magaalada Marka inta uu la egyahay, hase ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan xarunta degmada, saldhigga ciidanka iyo meelo badan oo magaaladaasi ka mid ah.

Ciidamada Al-shabaab ayaa banaanka looga saaray degmada Marka sida ay soo sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Jimcihii aynu kasoo gudubnay ayaa ciidanka Al-shabaab waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Marka, kadib markii magaaladaasi ay banaanka uga baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News