U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Goof-gaduud Ee Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay dib ula wareegeen deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha deegaankaasi Xuseen Wardheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka dagaal ay la galeen Al-shabaab kadib ay la wareegeen deegaankaasi.

Waxa uu sheegay in dhankooda dagaalkaasi aanu wax khasaare ah kasoo gaarin, waxaana uu xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay hadda gacanta ku hayaan Goof-gaduud.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay heleen ammar ah in hadane dib loogu laabanayo deegaankaasi, laakiinse ma cadda ulajeedka ka dambeysay in markii horeba ay ciidankaan ka baxaan degmadaasi.

Al-shabaab qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen inay gubeen gaadiid ay lahaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, sidoo kalena khasaare uu jiro.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa walaac ka muujiyey arrintan ay ku dhaqaaqeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ee ah in halkaasi ay ka baxaan hadane dagaal ay kusoo galaan.

Goobjoog News