U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Duulaan Ku Ah Deegaanka Moqokori Oo Al-shabaab Maamusho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay u ruqaansadeen deegaanka Moqokori ee gobalkaasi, halkaa oo ay maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Ciidamo aad u badan oo ka baxay degmada Maxaas ayaa la sheegayaa in haatan ay gaareen deegaanka lagu magacaabo Ceel-garre, kaasi oo qiyaas ahaan 8 Kilo Miter u jira deegaanka Moqokori.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in ciidamadaan bartilmaameedkoodu yahay deegaanka Moqokori, ayna doonayaan in halkaasi Al-shabaab ay ka saaraan.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan deegaanka Moqokori ayaa ka baqaya in dushooda lagu dul dagaallamo, inkastoo la tilmaamayo Al-shabaab bedi inay isaga baxeen deegaankaasi.

Goobjoog News