U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyay Deegaan Ka Mid Ah Gobalka Bakool

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa faarujiyay deegaanka Mooro Gaabey ee gobalka Bakool, iyadoo halkaasi ay la wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Deegaanka Mooro Gaabey oo duleedka ka ah degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa la sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga soo baxeen iyadoo wax dagaal ah aanu halkaasi ka dhicin.

Ciidamadii ka baxay deegaankaasi ayaa la sheegayaa in ay halkaasi ka dhaw yihiin, iyaga oo wada dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Xaaladda guud ee deegaanka Mooro Gaabey waa mid deggan, hase ahaatee ma jirto wax dhaq dhaqaaq shacab ah oo halkaasi ka jira.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo aynu isku daynay inaan wax ka weydiinno sababta ku kalliftay in halkaasi ay isaga baxaan ayaan inoo suurta gelin, hase ahaatee maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay faarujinayeen deegaanno ay horay Al-shabaab uga qabsadeen.

Goobjoog News