Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyey Degmada Aw-dheegle Ee Gobolka Sh/hoose

Wararka ka imaanaya degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay faarujiyeen degmadaasi oo shalay gelinkii dambe kala wareegeen Al-shabaab.

Wariyaasheena ku sugan gobolkaasi ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay si nabad ah isaga baxeen degmadaan oo ay saacado dhowr ah ku sugnaayeen.

Lama soo sheegin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab intii ay ku sugnaayeen Aw-dheegle, marka laga reebo markii ay qabsanayeen shalay degmadaasi oo iska caabin kala kulmeen Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ee la wareegay degmada Aw-dheegle waxaa la sheegay inay ka tirsanaayeen Kumaandoosta Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo saraakiisha ciidanka ee degmadaasi weli kama aanay hadal dib uga soo laabashada ciidanka dowladda iyo AMISOM ee degmada Aw-dheegle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW