U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgal Ka Wada Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Ferderaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in howlgal ay ka wadaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kaasi oo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana ay gaaf waraageyaan dhammaan xaafadaha magaaladaasi ka kooban tahay, iyadoo dad lagu tuhunsan yahay in Al-shabaab xiriir la leeyihiin lagu qabtay howlgalkaan, balse tiradooda ma cadda inta ay la egtahay.

Korneel Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu yahay mid amniga lagu sugayo, maadaama magaalada uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta gobalkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka ay soo qabteen ay ku jiraan rag ay markii hore baadigoob ugu jireen, sidoo kalena ay wadaan baadigoobka rag kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn Korneel Isaaq Cali ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga, islamarkaana ay soo sheegaan cid walba oo ay u arkaan in amniga ay wax u dhimayso.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconaya shirka dib u heshiisiinta beelaha degan gobalkaasi, waxaana sidoo kale halkaasi jooga wafdi xildhibaanno ah.

Goobjoog News