U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Sameeyay Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal guud oo maalintii Labaad uu sheegay inay ciidamada ka wadaan degaanno hoostaga magaalada Xudur.

Guddoomiye xigeenka dhanka ammaanka ee maamulkaasi Cabdi Aadan Maxamed ayaa sheegay in howlgalkani uu yahay mid guud oo dhowr degaan ka soconayo.

Degaannada howlgallada ciidamada ay ka wadaan waxaa kamid ah degaanno hoos yimaada magaalada Xudur kuwaas oo mararka qaar ay dagaallo dhabagal ah ay kala kulmaan ciidanka is garabsanaya ee dowladda iyo AMISOM oo goballada Bay iyo Bakool ku sugan.

“Howlgallada socda waa kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana ciidamada ay ka wadaan degaanno ku teedsan magaalada Xudur, annaga oo masuuliyiinta ah ayaa jooga degaannada ay howlgallada ka soconayaan” ayuu yiri Guddoomiye xigeenka ammaanka magaalada Xudur ee maamulka dowladda.

Sidoo kale guddoomiye Cabdi waxa uu sheegay in ay jiraan natiijooyin laga gaaray howlgalladan hase yeeshee ay saxaafadda usoo bandhigi doonaan markii lasoo gebagebeeyo.

Guddoomiye xigeenka degmada Xudur ayaa intaas ku daray in maalmaha soo socda uu sii socon doono howlgalladani ciidamada ay ka wadaan degaanno ka tirsan gobalka Bakool.

Goobjoog News