U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Buurhakaba Ee Baay

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo khamiis ah ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in la arkayo ciidamo badan oo ku faafay dhammaan xaafahada ay degmadaasi ka kooban tahay iyo deegaannada ku dhow.

Gaadiidka gaashaaman ee AMISOM ayaa lagu jaray waddooyinka degmadaasi, iyadoo ciidamada ay guriguri u baarayaan xaafahada degmada Buurhakaba.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ee howlgalkaan wada ayaa si kooban Goobjoog News waxay ugu sheegeen in kaliya ay xaqiijinayaan amniga, islamarkaana aysan weli jirin cid ay soo qabteen.

Al-shabaab ayaa mararka qaar waxay falal amniga ka dhan ah ka geystaan degmada Buurhakaba, waxaana marar badan degmadaasi ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeen kale

Goobjoog News