U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Wada Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay waxa ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan.

Howlgaladaan ayaa laga sameeyay deegaano badan oo ka mid ah gobalka, waxaana saraakiisha hogaaminayasa howlgalada ay sheegeen in lagu xaqiijinayo amniga magaalada Baladweyne oo hadda shir dib u heshiisiin ah ka socda.

Deegaanada howlgaladaan xoogooda ay ciidamada ka fuliyeen waxaa ka mid ah, Luuq Jeelow iyo Ceel-baar oo ku dhaw magaalada Baladweyne.

Saraakiishaan qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog News in ay soo qabteen hub ay sheegeen in ay lahaayeen Xarakada Al-shabaab, ka dib iska hor imaad dhacay, balse ma aanay cadeyn dad ay kusoo qabteen howlagaladaan.

Dhinaca kale ciidama dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM waxa ay howlgal midkaan la mid ah ka wadaan deegaanno hoostaga degmada Buulo-burde, waxaana ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconaya shir dib u heshiisiin ah, waxaana ku xigi doona shirka aaya ka talinta gobalka Hiiraan.

Goobjoog News