U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Wada Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo amniga lagu sugayo ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa howlgalkaan waxay si gaar ah uga fulinayaan inta u dhaxeysa Ballidoogle iyo deegaanka Leego kadib markii shalay halkaasi qarax lagula eegtay ciidan ka tirsan AMISOM.

Dad ku sugan halka howlgalladan ay ka socdaan ayaa waxay soo sheegayaan  in ciidamada ay xireen waddooyin halkaasi mara, lamana soo sheegin cid howlgalkaan lagu qabtay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee Shabellaha Hoose iyo maamulka gobolkaasi ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin ah ay ka bixiyaan howlgalladaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News